Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Baahi Ugu Geeriyooday Xabsi Ku Yaala Dalka Libiya.

0

xabsiTripoli (AGGM): Muwaadiiniin soomaaliya oo aan ilaa hada la garan Karin tiroodada rasmiga ah ayaa waxay haatan ku xiran yihiin xabsiyada ku yaala dalka Liibiya iyadoona la soo sheegayo inay qaar ka mida maxaabiistaasi ay ku dhex geeriyoodeen xabsiyada.

Dhalin yarada soomaaliyeed ee haatan ku sugan dalkaasi Liibiya ayaa waxay ku jiraan xaalada nololeed tii ugu adkayn ,waxaana lagu soo waramaya in qaar kamida muwaadiniinta soomaaliyeed kuwa ay yihiin maxaabiis kuwa kalena ee xorriyadooda haystana aysan ku noolayn nolaal sidaas u sii buurnayn.

Xabsiyada Liibiya ayaa xiliyada waxaa ku jira  muwaadiin soomaaliyeed kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar waxaa sido kale wararku intaaasi ku darayaan in haweenka soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada qaarkood ay ku dhex dhaleen caruur.

Mahaan dalka liibiya oo kale waxa  dhibaatadu ku hayso muwaadiniinta soomaaliya ee nolol raadiska ah waxaa sidoo kale jira dalal dhowr ah oo markasta soomaaliya lagu  dhibaateeyo waxaana dalalkaasi ka mida dalka Yemen,Tanzaania iyo South Africa oo markasta soomaalida lagu dilo laguna dhaco.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com