Munaasabad Lagu Xusayay 25 Guuradii Ka Soo Wareegtay Geeridii Halgamaa C/llaahi Ciise Maxamuud Oo Shalay Magalada Muqdisho Lagu Qabtay.

0

Abdullahi Issa1Muqdisho (AGGM): Munaasabad lagu xusayay 25 guuradii ka soo wareegtay geeridii ALLAHA u naxariiste R/wasaarihii dowladii Daaqiliga aheyd Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xuska munaasabada lagu xusayay Marxuun C/llaahi Ciise oo ay ka qeyb galeen aqoon yahano ka tirsana xisbigii leegada iyo waxgarada ayaa waxaa intii ay socotay laga hadlay taariikhdii iyo kaalintii uu ku lahaa xuriyada dalka iyo la dagaalkii gumeysteyaashii dalka soomaray.

Xaaji Shukri oo ka mid ahaa mudanyaashi baarlamankii KMG ahaa oo ay in muddo ah isla soo shaqeyeen Halgamaa C/llaahi Ciise ayaa  sheegay in uu halgal weyn u soo galay madax banaanida dadka iyo dalka Soomaaliyeed isla markaana uu ahaa R/wasaarihii dowladii daaqiliga aheyd ee la dhisay xiligii dalka uu ka baxay gumeystihii Talyaaniga.

Sidoo kale C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo ka mid ahaa aqoon yahanadii ka qeyb galay xuska ayaa tilmaamay in Marxuum C/llaahi Ciise Maxamuud uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee aas aasa gudiga xiriirka Olombiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Dr Cali Xaashi oo ka mid ahaa dadkii ay sida aad ah iskugu dhawayeen halgamaaga ayaa tilmaamay in uu ahaa nin karti badan isla markaane u dadaal dheer u galay aas aasida nidaamka shaqaalaha dowladda iyo hindisihii sumada Qaranka Soomaaliya.

Halgamaa C/llaahi Ciise Maxamuud waxa uu qeyb ka soo qaatay Madaxbanaanida dalka, waxa uu ahaa aas aasihii ciidanka XDS, waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soomaray, waxa uuna xiliga uu dhimanayay uu ahaa safiirkii dowladii kacaanka u fadhiyay wadamada la isku yiraah Iskaan daneefiyaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com