Soomaaliya Oo Rajeynaysa Inay Hesho Hubkii Ugu Horreeyay 22 Sano Kadib.

0

madaxweyne xasan sheekhMuqdisho (AGGM):Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisa rajeyneyso in ay hesho hubkii ugu horreeyay kaddib markii uu dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaaday cunnaqabateyntii hubka ee dalka saarneyd.

Wareysi lala yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay in muddo labo bilood gudahooda ay filayaan in uu Soomaaliya hub soo gaaro si loo xoojiyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ogyahay walaaca uu caalamku ka qabo in hub la siiyo dal dhibaato ku jiray muddo dheer iyo in ay dunida daawaneyso sida ay dowladdiisa u maareyso hubka.

“Waxaan qaadnay mas’uuliyad buuxda, adduunyadu way ina daawaneysaa, wayna na dabagaleysaa” ayuu yiri madaxweynaha oo dhowaan ka qeybgalay shirkii Jaamacadda Carabta ee magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

“Kama walwalsanin helitaanka hubka, waxaan ka walaacsannahay sida loo maareyn karo’’ ayuu madaxweynuhu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax macno badan sameynaya ku tilmaamay qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan ka soo baxay ee Soomaaliya ugu oggolaanayay in ay soo iibsan karto hubka yar yar.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in ay dowladdiisu u baahan tahay lacag gaareysa 450 milyan oo doollar oo lagu maalgeliyo mashaariic yar yar oo lagu horumarinayo 72 degmo ee dalka oo dhan ah, si ay gacan uga geysato soo kabashada dhaqaalaha iyo in uu dalku ka gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com