Shir Madaxeedkii Jaamacada Carabta Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo War-Mutiyeed Ka Soo Baxay.

0

madaxweyne xasan sheekhDoha (AGGM): Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku soo dhamaaday shir madaxeedkii madaxada wadamada ku jira Jaamcada Carabta, kaasoo gabagabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed lagu taageerayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka oo siweyn looga hadllayay arrimo la xiriira wadamada Siiriye, Falastiin Soomaaliya iyo Afgaanistaan, ayaa waxaa laga soo saaray war-mutiyeed quseeya Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa ku baaqay in wadamada Jaamacada Carabta lagu sheegay in wadamada ku jira Jaamacada Carabta loo gaabahan yahay ina y taageero dhab ah u muujiyaan dowlada Soomaaliya islamarkaana ku garab istaagaan dadaalada ay wado, gaar ahaa dhinacyada diblomaasiyada iyo siyaasada.

Sidoo kale, waxaa loogu baaqay dhamaan dalalka Jaamacada Carabta in ay ka furtaan safaaradahooda magaalada Muqdisho, si markaa loo hagaajiyo cilaaqaadka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo wadamada ku jira Jaamacada Carabta.

Shirka ku soo dhamaaday magaalada Dooxa ee dalka Qadar waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeyb-galay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uu horkacayo, isaga oo shirka ka jeediyay qudbad dheer oo ku aadaneyd xaalada dalka Soomaliya.

Isha Ku Haya Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com