Labo Ka Mid Ah Shaqaalaha Xawaalada Kaah Oo Lagu Dilay Gudaha Magaalada Boosaaso.

0

boosaasoBoosaaso (AGGM): Labo qof ayaa maanta lagu dilay, qof kalena waa uu ku dhaawacmay fal dhac ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Rag burcad ah ayaa gudaha u galay shirkadda xawaaladda lacagta ee KAAH Express, waxayna rasaas ku fureen shaqaalaha, iyagoo dilay labo ka mid ah shaqaalaha, oo uu ku jiray khasnajigii shirkadda.

Qofka kale ee ku dhintay dhacdada ayaa la sheegay inuu ahaa waardiyihii albaabka hore ee xafiiska xawaalada KAAh.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay liidato xaaladdiisa, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada.

Burcadda ayaa la sheegay inay shirkadda ka dhaceen lacag aan caddadkeeda la shaacin ka hor inta aaney lug ku baxsan.

Isku day aan rabnay inaan la xiriirno mas’uuliyiinta shirkadda Kaah ayaa noo suurtageli waayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com