Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay In Qaraxyadii Ugu Badnaa Ay Ka Fuliyeen Magaalada Kismaayo.

0

alshababKismaayo (AGGM): Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan kooxda Al-shabaab C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in qaraxyadii ugu badnaan ay ka fuliyeen maalintii shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, xili ay halkaa ku sugay yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

C/casiis Abu -muscab ayaa sheegay in qaraxyadaasi oo ahaa nuuca miinada ay ula jeedeen  in ay ku waxyeeleeyaan waftiga uu hogaaminayey ra’wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

‘’Qaraxyadaas dhibaato baaxad leh iyo wax yeelo ayeey gaarsiiyeen saraakiisha dowladda  ee   ku sugan magaalada Kismaayo, waana laga gaaray ujeedadii iyo hadafkii laga lahaa qaraxyadaas,’’ ayuu yiri C/siis Abuu-muscab.

Inkastoo uu sheegay in ay gaareen hadafkii ay ka lahaayeen sida uu hadalka u dhigay dagaallka, haddana ma uusan sheegin cid rasmi ah oo ay ku wax yeelleeyeen qaraxyada uu sheegay in ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo.

Nabad-galyada Kismaayo waxaa siweyn u sugaya ciidamada maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo oo gacan ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com