Tacsi Qaran: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Adeega Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad Oo Magaalada Nairobi Ku Geeriyooday.

0

tacsi1Tacsi Qaran : Waxaa saaka si lama filaan ah oo naxdin leh ugu geeriyooday Magaalada Nairobi Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Adeega Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda. Kan Shacabka iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan    Qoyskii, iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.

“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeridu waa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Eeheladii Qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Aamiin Aamiin Aamiin

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Mogadishu, Somalia


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com