R/wasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Goor Dhaw U Dhoofay Magaalada Kismaayo.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaare Saacid iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw oo maanta ah u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose, oo maalintii shalay la filayay in uu tago.

Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in nabad-galyada magaalada siweyn loo adkeeyay islamarkaana la xiray dhamaan goobaha ganacsiga magaalada, iyadoo la fasaxa dhamaan dugsiyadii waxbarashada.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa xiligan ku sugan mas’uuliyiinta maamulka Kismaayo, saraakiisha ciidamada dowladda Kenya, guddiga qaban-qaada dhisamaha maamulka Jubbooyinka, iyo waxgarad u diyaar-garoobay soo dhaweynta wafdiga ra’iisal wasaare Saacid.

Safarka ra’iisal wasaaraha ayaa salka ku haya sidii lagu dhameyn lahaa khilaafaadka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Raas-kambooni oo ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato mas’uuliyiinta maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo oo ay ka wada hadlli doonaan arinta ku saabsan dhismaha maamulka Jubbooyinka iyo Gado oo qaban-qaabadiisa laga wado Kismaayo.

Isha Ku Hay Allagalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com