Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Iskuulka Gabdhaha Cabdalla Deeroow Ee Baydhaba,Dibna Ugu Soo Laabtay Muqdisho.

0

barlamMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo maalmahaan socdaal ku joogay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo uu kulammo kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada,xidlhibaanno,Odayaal Dhaqameed,saraakiisha Ciidammada iyo Ururrada Bulshada rayidka ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo.

Kormeerkiisa ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku tagay dugsiga hoose dhexe ee gabdhaha Dr Cabdalla Deeroow Isaaq ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu Gudoomiyuhu ugu kuurgalay waxbarashada gabdhaha dugsigaasi wax ka barta iyo baahida ay qabaan.

Ugu horeyn maamulka dugsiga ayaa warbixin ka siiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka sida uu iskuulkaasi u shaqeeyo waxaana ay tilmaameen in Iskuulkan ay wax ku bartaan gabdho tiradoodu gaareyso 946 gabdhood kuwaasi oo si lacag la’aan ah wax ku barta waxaana uu Gudoomiyahu weeydiiyey baahida ay qabaan ayadoo maamulka Iskuulkana uu uga jawaabay.

Dhageysiga warbixinnadaasi kadib waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari u kuurgalay sida ay waxbarashada Ardaydaasi gabdhaha ah tahay isaga oo ardaydana ugu galay fasallada ay wax ku baranayaan,si gaar ahna waxa uu uga kormeeray mudada ay waxbaranayeen iyo halka ay gaarsiisantahay heerkooda Waxbarasho.

Mar uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la hadlayey ardayda waxa uu yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay runtii inaan arko Arday tiradoodu intaan gaareyso oo si lacag la’aan ah wax ku baranaya, Ardayeey waxaa la idiinka doonayaa inaad maanka ku heysaan inaad tihiin mustaqbalka Dalka ee berrito ee inaga na bedeli lahaa, insha Allah Dowladda waxaa ka go’an iney dhiirageliso si loo helo jiil waxbartay oo aqoon leh”

Socdaalka shaqo ee uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kala koobnaa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ku tageen magaalada Baydhabo oo qaatay Seddex maalin waxa uu noqday mid guul kusoo dhamaaday maadaama uu Gudoomiyaha lasoo kulmay islamarkaana talooyinkooda kasoo dhageystay qeybaha kala duwan ee Bulshada, sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kusoo guuleystay xalinta kala fikir duwanaansho u dhaxeeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo gobolladaasi kasoo jeeda.

Ugu dambeynna Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey dib ugusoo laabteen magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta ayadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishana si heer sare ah loogu soo dhaweeyey waxaana xubnaha soo dhaweeyey hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar.

—–DHAMAAD—–

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com