R/wasaaare Saacid Oo Saacadaha Soo Socda Ku Sii Jeeda Magaalada Kismaayo.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Magaalada Muqdisho waxaa xiligan ka socota qaban-qaabada wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaaaraha xukuumada Soomaaliya oo saacadaha soo socda ku fool leh ama ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose.

Wafdiga uu ra’iisal wasaaraha horkacayo ee tagi doona magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, iyadoo sidoo kale laga dareemayo soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu horkacayay wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed kuwaasoo la sheegay in ay u sii gogol-xaarayeen wafdiga ra’iisal wasaaraha ee la filayo in uu tago Kismaayo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ra’iisul wasaaraha uu u socod sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka dhashay maamul u sameynta Jubbooyinka oo soo dhexgalay dowladda iyo ururka Raaskambooni, iyadoo lagu wado in shirka maamul u sameyntana uu ra’iisul wasaaruhu furo.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaa ka wada qeyb-qaadanaya sugida nabad-galyada magaalada ciidamada dowladda, Raaskanbooni iyo kuwa Kenya oo ilaa iyo xalay gaaf-wareegayay magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com