Maxamuud Sayid Adan "Shirka Kismaayo Kama Qeyb Galeyno".*Dhagayso*

0

Maxamuud-Sayid-AadanMuqdisho (AGGM): Maxamuud Sayid Aadan ayaa markale ku celiyay in Beesha Sade aysan ka qeyb galeyn shirki fashilmay ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in xilligan aan loo fadhin in Maamul goboleed loo sameeyo gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, wuxuuna tibaaxay in marka gacanta lagu dhigo guud ahaan degmooyinka ay ka kooban yihiin gobolladaas in laga arrinsado Maamul u sameynta Gedo iyo Jubbooyinka.

Dhinaca kale Maxamuud Sayid Aadan waxa uu ka hadlay qorshaha bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee gobollo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee hadda ku sugan qeybo ka tirsan gobolka Gedo ay awood u leeyihiin inay difaacdaan degmooyinka ay ku sugan yihiin haddii ay baxaan Ciidamada Itoobiya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Maxamuud-Sayid-Adan-Shirka-Kismaayo-Kama-Qeyb-gelayno-Sababtoo-ah..-Wareysi..mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com