Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliyeed Oo Maanta Soo Bandhigtay Dhalinyarro Ka Tirsan Falaagada Al Shabaab.

0

shab1Muqdisho (AGGM): Saraakiisha Hay’adda nabad-sugida Qaranka ayaa maanta ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho dhalinyrro sida ay sheegtay ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qab qabtay howlgal ciidamada nabad-sugida ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Ragga maanta la soo bandhigay ayaa la sheegay qaarkood in lagu soo qabtay  iyaga oo ku guda jira falal amaan darro, sida ay ka dhawaajiyeen saraakiisha ciidamada nabad-sugida ee soo bandhigay dhalinyarrada.halka.

Max’ed Daajir Max’uud oo ka mid ahaa dhalinyarradii maanta la soo bandhigay oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in xiliga la soo qabanay ayuu gacanta ku sitay Bam sida uu sheegay uu doonayay in uu ku weeraro ciidamada dowladda.

‘’In mudo ah ayaan u shaqeynayay Al-shabaab, ciidamada nabad-sugida ayaa igu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho,’’’ ayuu yiri Max’ed Daahir Max’uud

Ragga ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab siyaaabo kala duwan uga tirsanaayeen, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ay u qaabilsanaayeen kooxda aasida miinooyinka iyo walxaha qaraxa.

Hay’adda nabad-sugida Qaranka ayaa sidan oo kale marar badan oo hore u soo bandhigtay dhalinyarro sida ay sheegtay ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isugu jiray qaar lagu soo qabto howlgal ciidamada ka sameeyaan degmooyinka gobollka Banaadir kuwo isku soo dhiiba dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com