Agaasimihi Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliyeed Fiqi Oo Iscasilay.

0

fiqiMuqdisho (AGGM): Agaasimihii hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu haye ee ahaa agaasimaha hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Hay’adda Nabadsugida ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu si toos ah isaga casilay xilkii uu haye.Wuxuu sheegay Axmed Macalin Fiqi inuu isaga garawsaday inuu iska casilo xilkii uu uhaye hay’adda Nabadsugida qaranka oo uu Agaasime ka ahaay iminka kadibna uu dib ugu noqonayo howlihiisa hore ee safiirnimada.Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ugudbiyay istiqaalada ku aadan iscasilaadiisa uuna ka aqbalay Madaxweynaha.Wuxuu tilmaamay inuu la shaqeyn doono hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed wax waliba oo looga baahdana oo wada shaqeyn ah uu ka caawin doono.Axmed Macalin Fiqi ayaa muddo ahaa Agaasimiha hay’adda Nabadsugida qaranka iyadoo horay uu usoo noqday safiir ugu dambeyna maanta uu iscasilay.Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com