Wasaaradda Gaadhaandhiga Oo Shacabka Uga Tacsiyeysay Geeridii Ku Timid Taliyihii Hore Ee Ciidamada XDS.*Dhagayso*

0

fiqi iyo taliyahaMuqdisho (AGGM): Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed Geeridii ku timid Allah u naxariistee Taliyhii hore ee Xoogga dalka Xilligii Dowladdii Madaxweyne C/qaasim, marxuum Cabdi Axmed Guuleed.

Taliyaha CXDS General Daahir Aadan Cilmi oo galabta la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa u tacsiyeeyay Ehellada Marxuumka isagoo ku amaanay Generaalka geeriyooday Howshii iyo dedaalkii uu ka geystay badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim  Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isna uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Taliyhii hore ee CXD Soomaaliyeed, waxa uuna wasiirku alle uga baryay inuu jannada ka waraabiyo.

Sareeye Guuto Cabdi Axmed Guuleed ayaa soo noqdey taliyihii hore ee Xoogga dalka xilligii ay jirtay Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan isagoo sidoo kalena jagooyin kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Xoogga dalka waxa uuna ku dhashay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo xanuun hayay uu xalay ugu geeriyooday caasimadda gaar ahaan Isbitaalka Madiina halkaas oo aas heer qaran ah shalay loogu sameeyay.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Wasiirka-difaaca-iyo-Taliyaha-xoogga-dalka-Tacsi-Taliyihii-hore-cxd-23-03-13.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com