Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Maanta Kormeeray Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Saldhiga Ciidamada Xoogga Dalka Villa Baydhabo.

0

mad6Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo xubno saraakiil ah oo ka tirsan wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xarumaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Meelaha uu booqday madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah xarunta wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo saldhiga ciidamada ee Villa Baydhabo, halkaa oo uu kula hadllay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Xassan Sheekh ayaa markii uu hormeerkiis soo dhameystay waxaa uu hadal dheer ama qudbad ugu jeediyay saraakiisha ciidamada xarunta Villa Baydhabo, waxaana ay qudbadiisa u badneyd madaxweynaha dardaar uu u jeedinayay ciidamada, isaga oo ku boorinayay in ay ka fogaadaan dhibaateynta shacabka.

Waxaa uu sheegay in ciidamada qalabka sida ee xiligan shaqeeya warar aan wanaagsaney suuqa u yaalaan, gaar ahaan waxaa uu sheegay in lagu xanto ciidamada in ay ka waceedeen howlihii loo xil saaray ee ahaa difaaca dalka iyo dadka, iyaga oo ku kaca falal ka dhan ah shacabka sida dil, dhac iyo kufsi.

‘’Waad la soctaan xanta suuqa idiin taala, waxaa leydinka sugayaa sidii aad xumaantaas isaga meyri laheydeen, gaar ahaan saraakiisha ciidamada waa in ay gacan bir ah ku qataan ciidamada si looga fogaado dhibaato loo geysto dadka rayidka ah ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Kormeerka madaxweyne Xassan Sheekh uu ku tagay maanta xarumaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ay dhiiri-galin u tahay sugida amniga dalka iyo sidii ay ciidamada u gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo dadka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com