Maamulka Dagmada Ballanballe Oo La Wareegay Dhamaan Xarumihi Dowladda.

0

harari xasan bareBallanballe (AGGM):Maamulka dowladda ee degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud ayaa la wareegay xarumaha dowladda ee degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Hareeri Xasan Barre ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen xarunta maamulka degmada Xeraale, saldhigga booliska iyo labo xero oo ciidan oo uu sheegay inay deganaayeen dad rayid ah.

Hareeri wuxuu sheegay in dadka laga saaray xarumaha dowladda la siin doono dhul ay degaan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in maamulka uu dhagax dhigay dhul ballaaran oo loogu talagalay dhismaha isbitaal loogu adeegi doono bulshada.

Wuxuu ka codsaday dowladda dhexe, hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada inay gacan ka geystaan dhismaha isbitaalka iyo dib u soo nooleynta adeegyada bulshada ee degmada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com