Gen, Maalin ”Waxaan Gacanta Ku Dhignay Rag Shalay Gabar Ku Dilay Degmada Dharkeynley”.*Dhagayso*

0

gen. Axmed-Xasan-MaalinMuqdisho (AGGM):  Taliska ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay soo qab qabteen sida ay hadalka u dhigeen raggii ka danbeeyay dil maalintii shalay loogu geystay degmada Dherkeenley ee gobollka Banaadir Gabar sida la sheegay u shaqeyneysa hay’adda Turkish ah oo ka howlgasha garoonka Muqdisho.

Jen Axmed Xassan Maalin taliyaha ciidamada booliiska gobollka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliska ay u soo qabteen afar ruux oo mid ka mid ah lagu helay sawirka gabadha, isla markaana isagoo ordaya la soo qabtay.

‘’Waxaan soo qabanay rag mid ka mid ah laga hellay sawirka Gabadha la dillay, waxaana la qabtay waqtigii uu dilka dhacay isaga oo ordaya,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska gobollka Banaadir.

Waxaa uu intaa ku darray in ragga ay gacanta ku hayaan su’aalo weydiinayaan, haddii ay ku cadaado dilka Gadhana sharciga la horkeeni doono waa sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

Shalay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeenley haweeney u shaqeyneysay Hey’ad Turki ah, iyadoo walaac ka muujiyeen dilkaas dadka deegaanka.

Dilkii shalay loo geystay qofka dumarka ah ee ka dhagaya bishan gudaheed dilka haweenka loogu geystay Muqdisho kii sadaxaad, waxaana uu ka mid yahay falalka amaan darro ee ka jira caasimada.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Gen-Axmad-Xasan-Maalin-taliyaha-ciidanka-booliska-qeybta-gobalka-bannaadir.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com