AMISOM Oo Diyaarisay Ciidamadii Ay Gayn Lahayd Gobolada Bay Iyo Bakool.

0

gen. guttiMuqdisho (AGGM): Taliska ciidamada midawga Africa ka jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa mar kale ku celiyay inay ciidamo dheeraad ah u daabulayaan qeybo ka mid ah gobolada la hadal hayo inay ciidamada Ethiopia ka baxayaan eek u yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM General Andderu Gutti ayaa laga soo xigtay inuu sheegay inay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ay u daabulayaan qeybo ka mid ah gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan oo ka mid ah gobolada sida weyn loo hadal hayo in ciidamada dawladda Ethiopia ay iskaga baxayaan.

General Gutti waxaa uu sheegay in taliska AMISOM uu hadda wado qorshayaal ay u doonayaan inay ciidamo dheerad ah oo lagu xoojinayo kuwa AMISOM ee jooga Baydhabo iyo B/weyne.

“Qorshahaan waxaan ugu talo galnay in lagu xoojiyo ciidamadeenna goboladaasi jooga si aysan u dhicin banaanaasho dhanka amaanka ah marka ay baxaan ciidamada Ethiopia kadib” ayuu yiri Gen Gutti o la hadlay saxaafadda dalka Uganda.

Ciidamada dawladda ayuu sheegay jeneralku inay iska kaashan doonaan sugida amaanka goboladaas.

Taliska AMISOM dhawaan ayuu sidaan oo kale sheegay inaan loo dhutin doonin haddii ay ciidamada Ethiopia baneeyaan gobolada ay hadda Soomaaliya ka joogaan.

Si weyn ayaa loo hadal hayaa in Ethiopia ay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxayso inkastoo aan willi sababta si rasmi ah loo shaacin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com