Wararki Ugu Dambeeyay Xaalada Magaalada Marka Kadib Dagaal Shalay Halkaasi Ka Dhacay.

0

Magaalada-marka1-618x401Marka (AGGM): Kadib dagaal culus oo maalintii shalay ku dhaxmaray magaalada Marka ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa wararka saakay ka imanaya waxaa ay sheegayaan in xaalada degmadu degan tahay xiligan.

Sida ay inoo sheegay dad ku sugan magaalada Marka waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay gaarayay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo u kuur-galaya sababta keentay dagaallkii shalay, walina kuma aysan guuleysan saraakiisha halkaa tagtay in ay kala qaadaan ciidamada.

Dagaallka shalay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac soo kala gaaray dhinacyadii iska hor yimid iyo dad rayid ah, kadib markii uu iska horimaadku ku fiday xaafado ka tirsan magaalada Marka.

Guddoomiyaha degmada Marka ee dowladda Soomaaliya Cabdi Salaan Daahir  oo ayaa sheegay in ay waan waan ka dhax wadaan dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray, lana rajeynayo sida uu hadalka u dhigay in lagu guuleysto.

Guddoomiyaha gobollka Shabeellaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Sidii ayaa ku macneeyay dagaallkii shalay in uu ka dhashay kala shaki soo kala dhax-galay sida uu hadalka u dhigay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.