Gen. Cabaas Gureey Oo Salaan Sharaf Kaga Qaatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Ciidamadi Dhawaan Laga Soo Badalay Gobolka Gedo. Daawo Video-ga.

0

cabaasKismaayo (AGGM): Gen. Cabaas Gureey Oo Salaan Sharaf Kaga Qaatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Ciidamadi Dhawaan Laga Soo Badalay Gobolka Gedo. Daawo Video-ga.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamadan ka tirsanaa ciidamada xooga dalka Soomaaliya  ee laga soo badalay gobolka Gedo uu horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ay ku tilmaameen inay yihiin ciidamo ka tirsan falaagada al shabaab.

Arintan maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa  waxa ay ku tuseeysaa mas’uuliyada darada Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Xidig  waxa ayna ku tahay wajigabax iyo ceeb lasoo gudboonaatay  iyaga oo idhahoodu shanta yihiin ay ciidamadaasi kusoo dhaweeyeen Gen. Cabaas Gureey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo salaan sharafna uga qaateen taliyahooda.

Isku soow ada duuboo waxaa soo yaraanaya damaacigi foosha xumaa ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo horjoogayaashooda, waxaana la filayaa inuu maalinimada Isniinta wafdi balaaran oo uu horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu booqdo magaalada Kismaayo.

Daawasho Wacan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com