Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Booqday Dekada Magaalada Muqdisho.

0

madMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay si lama filaan ah waxaa u kormeeray dekada magaalada Muqdisho oo xiligaa ka socdeen howlo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ku soo wareegay qeybaha ay dekadu ku kooban tahay, waxaana uu la kulmay islamarkaana warbixino ka dhageystay maamulka dekada oo faah faahin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howlaha kala duwan ee dekada waqtigaa ka soconayay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa mid mid u galay xafiisyada maamulka dekada magaalada Muqdisho, sidoo kalana waxaa uu madaxweynuhu booqday soona arkay Bakhaarada waaweyn ee lagu keydiyo raashinka ee gudaha dekada ku yaala.

Sidoo kale madaxweyne Xassan Sheekh soo arkay xiligaa howlo dajin iyo dhoofin ah oo ka socday gudaha dekada, isaga oo halkaa kula kulmay warbixina ka dhageystay shaqaallaha ka xamaasha dekada Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dabeysay booqashada lama filaanka ah ee uu madaxweynuhu ku tagay tan iyo markii la doortay dekada magaalada Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqalle ee ugu weyn dowladda Soomaaliya.

mad

mad3

mad2

mad1

mad4

mad6

mad7

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com