Yusuuf Idhacade " Ciidamada AMISOM Ima Ay Xiri Karaan".

0

indha-cade1Muqdisho (AGGM): Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacade oo ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaaamay warar maalintii shalay soo baxay oo sheegayay in ciidamada midowgga Africa AMISOM xabsiga dhigeen.

Waxaa uu sheegay Yuusuf Idhacade in uu ka mid yahay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, cida kaliya ee xiri kartana ay tahay dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in daqiiqad xitaa aysan xiri karin ciidamada AMISOM.

‘’Waa been wararka sheegaya in ciidamada AMISOM i xireen saacad, iskaba daa saacad xitaa daqiiqad ima xiri karto AMISOM, waayo dalka nidaam iyo dowlad ayaa ka jirta, iyada ayaana I xiri karta,’’ ayuu yiri Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacade.

Mar wax laga weydiiyay sida ay wax uga dhaceen garoonka waxaa uu sheegay isaga oo doonayay in uu gudaha u galo garoonka diyaaradaha uu is hor taag ku sameeyay mid ka mid ah ciidamada AMISOM taasoo ayuu yiri wax xoogaa buuq ah ka dhalisay ilinka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

‘’Ciidamadii kale ee garoonka joogay waa is fahannay, laakiin mid ka mid ah ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in uu ilinka iga celiyo, laakiin markii danbe arinta waa la xaliyay ,’’ ayuu yiri Yuusuf Idhacade.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee  ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mudo kooban xireen Idhacade, kadib markii ay isku gacan qaadeen isaga iyo waliba askarigii AMISOM ee garoonka ka celiyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com