Ra’iisal Saacid Oo Sheegay In Ay Ciidamada Dowladda Dib Ula Wareegi Doonaan Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

0

saacid44Muqdisho (AGMM): War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaalida sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegi doonto degmada Xudur oo Axadii aynu soo dhaafnay ay la wareegeen Al-shabaab.

Sidoo kale ra’iisal wasaare Saacid ayaa war-saxaafadeedka uu soo saaray waxaa uu si kulul uga cambaareeyay dilkii foosha xumaa oo ay Al-shabaab ugu geysteen degmada Xudur Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame oo ahaa Imaamka masjid ku yaala degmada Xudur kaa oo meydkiisa lagu arkay isaga oo madaxa laga gooyay.

“Falkan foosha xun ee waxuushnimada ah nagama hor istaagi doono howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee laga wado gudaha dalka, shacabka degmada Xudur sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan uga dul qaadi doonaan dhibaatada argagixisada,’’ ayuu lagu sheegay war-saxaafadeedka ra’iisal wasaare Saacid.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in xukuumada Soomaaliya ay wado qorshe ay dib ugula wareegeyso degmada Xudur oo ay dhawaan isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Isha Ku Hya Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com