Qarax Khasaare Reebay Oo Ka Dhacay Xarun Falaagada Al Shabaab Ay Ku Lahaayeen Degmada Diinsoor.

0

qaraxmiin0Baydhabo (AGGM): Wararka laga hellayo degmada Diinsoor ee gobollka Bay ayaa sheegaya in qarax culus oo siweyn looga wada maqlay degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw uu ka dhacay xarun ay degmada ku lahaayeen maleeshiyaadka kooxda l-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid siweyn looga argagaxay, islamarkaana dhawaqiisa laga wada maqlay degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw, waxaana ay wararku sheegayaan in uu ka dhacay qaraxa gudaha garoonkii kubada gacanta ee degmada Diinsoor oo hadda xero u ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ku dhawaad 15 ruux oo isugu jiray kuwo qaraxa ku diyaarinayay gaari dushiisa, maleeshiyaad, iyo horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa gudaha xerada ama garoonka.

Dadka degmada Diinsoor ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen farsamayaaqada Al-shabaab u diyaariya qaraxyada, kuwaasoo sida la sheegay farasamadu ka xumaatay.

Illo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan degmada Diinsoor ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyey in gaariga qaraxa ay ku diyaarinayeen Al-Shabaab uu ahaa gaari kuwa xamuulka qaada ah oo ay doonayeen inay ku weeraraan oo ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay taa aysan u suurtagalin.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab sidan oo kale ugu baaba’aan qaraxyo ay diyaarinayeen, hortaantii bishii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan sidan oo kale uu qarax uga dhacay guri ay ku farsameeynayeen Al-shabaab walxaha qarxa, kaasoo oo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com