Ciidamada AMISOM Oo Xabsiga Dhigay Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacade.

0

indha-cade1Muqdisho (AGGM): Ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisiho ayaa lagu waramayaa in ay xabsiga dhigeen Yuusuf Max’ed Siyaad Idhacade oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii soo maray dalka Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan xariga Idhacade ayaa yimid kadib markii uu is hortaag ku sameeyay habsami u socodka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii lo diiday in isaga iyo ilaalo la soctay gudaha u galaan garoonka.

Qof ku sugnaa agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Indhacadde oo watay Ilaalo hubeysan ay u diideen garoonka in la galo, lagana baxo, kadib markii uu uu ka hor yimid in baaritaan lagu sameeyo haween la socday oo sida la sheegay ka dhoofayay garoonka diyaaradaha.

Markii ay ciidamada AMISOM u diideen Idhacade iyo dadkii la socday in ay galaan garoonka ayuu bilaabay isna in uu iska hor taago garoonka dadkii gudaha u gali lahaa ama ka soo bixi lahaa, waana tan keentay in ay xireen ciidamada AMISOM.

‘’Waxaan arkayay Idhacade oo gaccamaha iyo lugaha leysaga xirayo katiinadna lagu jabinayo, waxaana lagu dhax tuuray gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo lagu qaaday,’’ ayuu yiri qof ku sugnaa garoonka diyaaradah Muqdisho oo dhacdada goob joog u ahaa.

Yuusuf Idhacade waxaa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya, isaga oo sanadihii ugu danbeeyayna siyaabo kala duwan uga soo mid ahaa xoogaggii Islaamiyiinta sida midowggii maxkamadaha iyo dowladdihii ku-meel-gaarka ahaa ee dalka Soomaaliya, laakiin hadda waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka aan awood badan laheyn ee ka haray hogaamiye kooxeedyadii dalka, inkastoo uu wali heysto maleeshiyaad aan badneyn oo isaga ilaalisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com