Xaaladda Barakacaayasha Ku Sugan Magaalada Caabudwaaq Oo Laga Deyrinayo.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka deyriyay xaaladda ay ku sugan yihiin in ka badan 1500 oo qoys oo ka soo barakacay qeybo ka mid ah gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ah ee ku sugan toddobo xero oo ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ay ka cabanayaan daryeel la’aan, caafimaad xumo iyo hooy la’aan.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax gargaar ah oo ay heleen dadka barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Caabudwaaq, wuxuuna hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in kaalmo lala soo gaaro dadka dhibaateysan.

Qoysaskan barakacayaasha ah waxay ka soo barakaceen gobollada Baay, Bakool, Jubbooyinka iyo deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, waxayna isugu jiraan dad ka soo cararay dagaallo iyo amni darro iyo qoysas ay saameysay abaartii 2011 ka dhacday dalka.

Isha Ku Hay Allaglgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com