James C. Swan Oo Canbaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho, Sheegayna In Dowladda Mareykanka Ay Taageerayso Dowladda Soomaaliya.

0

james swanNairobi (AGGM): Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James C. Swan ayaa sheegay inay sii wado doonaan taageerada Nabad lagu soo celinayo ay siinayaan Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Warbixin laga soo saaray xafiiska Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka si weyn uu kaga xun yahay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Mr James C. Swan in si weyn ay kaga xun yihiin khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay dhacay,isagoona shaaca ka qaaday in arintaasi waxba u dhimi doonin Taageerada wax ku oolka ah ay siinayaan Soomaaliya.

“Weerarkani waa xasuuq lagu laaynayo shacabka iyo indhahooda,waxaana si xoog loo doonayaa in shacabka ay ka fiirsadaan aayahooda islamarkaana qaadaan wadamada Mustaqbalkooda u wanaagsan”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Ergayga Mareykanka Soomaaliya u qaabilsan.

Ugu danbeyntii Ergayga gaarka ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James C. Swan ayaa shaaca ka qaaday inay siiwadi doonaan taageerada Nabada loogu soo dabaalayo ee Soomaaliya ay ku caawinayaan.

Warkaan ka soo baxay Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli Maalintii shalay muqdisho uu ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay wadada Ex-fiyora ee sidaasi aanay ugu fogeen xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com