Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Oo Cambaareeyay Qaraxi Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.*Dhagayso*

0

Sheekh BashiirMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu cambaareeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, isagoona shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya si loogu hortago falalka Amaan darri oo ay Kooxda Al-shabaab geystaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxa uu tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay Qaraxii shalay, isagoona falkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid aan diinta iyo damiirka bini-aadan-nimo waa faqsaneen balse ay caadeysteen buu yiri kooxda ka been sheegata diinta ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la qaado tallaabo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab, isagoo carabka ku dhiftay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta shacabka, dowlada iyo culimada soomaaliyeed si loo tir tiro buu yiri fikirka xag-jir nimo oo ay kooxdaasi wadaan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxa sheegay in guul darro ay ku dhammaan doonto falalka ay kooxda Al-shabaab ku baneysteen dhiiga ummaadda Soomaaliyeed, isla ay ku muteysan doonaan Cadaabta Alle.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/sh-bashiir-axmad-salaad-2-gudoomiyaha-heyada-culumada-soomaaliyeed-oo-falkii-shalay-canbaareeyay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com