Dowladda Oo Lacag U Balan-qaaday Ciddii Sheegta Macluumaad Ku Saabsan Meelaha Laga Soo Abaabulo Qaraxyada.*Dhagayso*

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siin doonto abaal-marin lacageed oo dhan ilaa $ 5 kun oo doolar cid kasta oo soo sheegtay meelaha laga soo abaabulo qaraxyada iyo dadka arrimaha ku lugta leh.

Wasiirrka oo booqday dadkii ku dhaaawcmay weerarkaas oo jiifay isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Al-shabaab cadaw ku tahay bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka siiyaan ciidamada dowladda sidii loo helli lahaa macluumaadka ku saabsan falalka argagixisada.

‘’Waxaan u balan-qaadeynaa in aynu sii doono lacag dhan $ 5 kun oo doolar cid kasta oo sheegta macluumaad la xiriira meellaha laga soo abaabulo qaraxyada iyo waliba dadka ku lugta leh,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Inkastoo marar badan ay dowladdu sheegtay in ay lacag siin doonto qof kasta oo kala shaqeeya nabad-galyada soona sheega kooxaha falalka amaan darro wada, hadda ilaa iyo hadda dowladda kuma aysan guuleysan xaqiijinta amniga caasimada gaar ahaan goobaha ay dadku ku badan yihiin oo inta badan lala beegsado weerarada ismiidaaminta ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/wasiirka-arimaha-gudaha-oo-ka-hadlaya-qarixii-maleeshiyada-al-shabaab-ay-ku-gumaadeyn-dad-shacab-ah.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com