Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Itoobiya Oo Dib Ulla Wareegay Gacan Ku Haynta Deegaannka Oow–diinle Ee Gobollka Bay.

0

Ciidamada-Dowlada-HowlgalBaydhabo (AGGM): Ciidamo isugu jira dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ka baxay degmada Baydhabo ayaa la sheegay in gaareen deegaannka Oow-diinle oo qiyaastii 30km  u jira magaalada Baydhabo, halkaa oo ay dhawaan la wareegeen Al-shabaab.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen deegaannka Oow-diinle kadib markii ay  isaga baxeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab oo labo cisho ka hor gudaha u soo galay.

Saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaannada ku dhaw dhaw magaalada Baydhabo kaga sifeeyeen sida ay hadalka u dhigeen kooxaha argagixisada oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogayaasha Al-shabaab oo la xiriira dib u qabsashada ciidamada dowladda ee deegaannka Oow-diinle.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay Al-shabaab gudaha u galeen degmada Xudur ee gobollka Bakool oo ah degmo isiraatiji ah kadib markii ay ka baxeen degmada ciidamadii dowladda Soomaaliya iyo kuwii Itoobiya ee gacanta ku hayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com