Axmed Diiriye " Shabaab Waxaan Leenahay Meel Aad Ka Talisaan Majirto,Dilaa Waa La Dilaa".*Dhagayso*

0

AXMED DIIRIYE CALIMuqdisho (AGGM): Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay Al-Shabaab inay nabada ka qaataan, isagoo musiibo ku tilmaamay dhibaatadii shalay ka dhacday agagaarka Ex Fiyoore, halkaasoo weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in horay uga digayeen dhibaatooyinkan, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in marar badan oo ay baaq u jeediyeen Al-Shabaab inay qaadan waayeen.

“Shabaab waxaa leenahay meel aad ka talisaan oo deegaanada dhow dhow ah ma jirto, waa la idinka xoog roonaaday, qof aad dhuumaaleysi ku dishaan qiyaami la idin weydiinayaa, dilaa waa la dilaa ee qadarta rabi adinka la idin beegsado macaash intaa ka badan ma heleysiin war dilka iska daaya , cidna ha isku qarxina, guryihiisa iska jooga”ayuu yiri Axmed Diiriye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka diideen inay nabada qaataan, isla markaana dagaalka joojiyaan, isagoo xusay in taasi wax laga macaashay oo aan aheyn in dadka la laayo aan ka soo bixin.

Dhibka iska daaya, war hala idinka nabad galo, waa musiibo dalkii waa looga xoog roonaaday maanta, hal halkii ka haray ayaa naftiisa qarxinaya, dhibaatadana anage nagu soo noqoneysaa, dad nabada ka taliya ayaa nahay, waa nagu diideen wax walba”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyed ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aad u fool xun, isagoo xusay in kuwii ka dambeeyay ay yihiin kuwo mufsidiin ah sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay shacabka inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa dhibaatooyinkan, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dadka si macno daro u leyneyso, isla markaana ay baneysteen dhiiga dadka Muslimiinta ah.

Ugu dambeyn qeybaha kala duwan ee bulshada iyo madaxda ugu sareysa dalka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka is miidaaminta ee shalay ku dhinteen dadka rayidka ahaa, kaasoo la doonayay in lagu dilo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Nabadoon-Axmad-Diiriye-cali-gudoomiyaha-odayaasha-qaranka-beelaha-hawiye.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com