Xarumaha Teleefishinada Soomaalida Ee Nairobi Oo Intooda Badan Albaabada Loo Laabay.

0

nairobiNairobi (AGGM): Dowladda Kenya ayaa soo saartay go’aan ay ku xakameyneyso xarumaha warbaahinta madaxa banaan ee ka howl-gasha dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, taasoo saameyn ku yeelatay xarumihii Telefiishinada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Go’aankan ayaa dhigaya in Hey’adii warbaahineed ee aan heysan sharciga rasmiga ah ee leesanka aanay ka howl geli karin gudaha Kenya, hadii lagu arkana ay muteysan doonaan muddo 10-sano oo xarig ah.

Ilaa lix warbaahineed oo ay Soomaalidu leedahay ayaa la sheegayaa in ay arinta saameyn weyn ku yeelatay, madaama intooda badan aysan si sharci ah uga howlgali gudaha dalka Kenya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa siweyn looga dareemayay magaalada Nairobi dhaq dhaqaaqa warbaahinta Soomaalida oo siweyn uga sii kordhayay magaalada, waxaana xusid mudan in ay ku sugan yihiin Nairobi ka badan 200 oo wariyayaal Soomaaliyeed ah.

Sababta ugu weyn oo ay dowladda Kenya u soo rogtay sharciga ayaa la leeyahay waxaa ay salka ku heysaa kadib markii warbaahinta reer galbeedka ay warar aan jirin ka sameeyeen doorashooyinka Kenya, oo lagu eedeeyay inay barobagaan ka sameeyeen rabshado aan dhicin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com