Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Qaraxii Maanta.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh  Maxamuud ayaa si xoogan u dhaleeceyay qaraxii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladda iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii dhacay” saa waxaa yiri Madaxweynaha.

“Waxaan qiyaasi karnaa in ay qaraxan ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab oo looga guuleysanayo dagaalkii dhanka militariga ahaa. Sidaas daraadeed waxey waqtigooda siiyeen in ay shacabka masaakiinta ah argagax geliyaan ayna si arxan darro ah u laayaan. Waa in aan si wada-jir ah ugu hor-jeesano cadawga”

“Waan guuleysanay waana sii guuleysan doonaa, cadawgan aduunka hoy kuma laho, sidaas darteedna waa in aan u diidnaa in Soomaaliyo uu hoy ku yeesho.”

“Mar kale Waxaan rabaa in aan u tacsiyeeyo shacabkii ku geeriyoday qaraxaas foosha xun ee ku yimid muwadiniinta Soomaaliyeed.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com