Khaliif Ereg Oo Beeniyay Inay Wax Ku Gaareen Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.*Daawo Video-ga*

0

Khaliif-Axmed-EregMuqdisho (AGGM): Taliyaha ciidanka nabad-sugidda gobolka  Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa beeniyay in ay waxyeello ka soo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaaraha xarunta Ex-Fiyoore ee degmada Xamarweyne.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo gaari ay wateen doonayay in ay ku qarxiyaan gaarigiisa.

Wuxuu tilmaamay in kaliya uu soo gaaray faniin ka dhashay muraayahada gaarigiisa oo uu qaraxu waxyeelleeyay.

Khaliif Axmed Ereg ayaa falaagada Al-Shabaab ku eedeeyay in ay xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, isagoo ku gooddiyay in ay sii wadi-doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada.

Maanta barqadii ayaa qarax ka dhacay agagaarka xarunta Ex-Fiyoore wuxuu sababay dhimashada 10 qof iyo dhaawaca 15 kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com