Horjooge Mukhtaar Rooboow Oo Sheegay In Ciidamada Itoobiya Iyagu Ku Qasbeen Inay Isaga Baxaan Degmada Xudur.

0

roobowMuqdisho (AGGM): Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in ay ku qasbeen sida uu hadalka u dhigay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya in ay isaga baxaan degmada Xudur, kadib dagaalo culus oo ay marar badan la galeen wax uu ku sheegay mujaahidiinta.

Mukhtaar Rooboow Abuu-masuur ayaa ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ee dowladda Mareykanka madaxtooda dul dhigtay malaayiinta doolar, waxaana uu ka mid yahay hogaamiyayaasha sar sare ee maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Isaga iyo boqolaal maleeshiyaad ah oo uu hogaaminayo ayaa gudaha u galay degmada Xudur ee gobollka Bakool kadib markii ay shalay halkaa isaga baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee mudad sanadka ah gacanta ku hayay.

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur ayaa ku boorriyay xoogagga Al-shabaab ee dib ula wareegay degmada Xudur inay dadka u cadaalad falaan, isagoo sidoo kale sheegay in degmadu ay hadda wixii ka dambeeyay tahay u furan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Dadka ayaa baqdin ka qaba talaabooyin ay qaadi doonaan Al-shabaab, madaama ay hadda iyaga gacanta ku hayaan degmada Xudur, iyaga oo ka baqdin qaba in lagu bartilmaameesado joogitaakoodii Xudur iyo gacan saar lagu eedeeyo in ay la lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwii Itoobiya ee isaga baxay degmada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com