Wasaarrada Gaashaandhiga Oo Baaritaan Ku Wada Hub Sida La Sheegay Laga Xaday Xarunta Madaxtooyada.

0

hubMuqdisho (AGGM): Kadib markii bakhaaaro ku yaala xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagala baxay ama laga xaday noocyo kala duwan oo hub ah, ayaa waxaa arintaa ka hadllay wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

ku-xigeenka wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda federaalka soomaaliya ay qaadeyso tallaabo marka ay soo caddaato arintani.

Dalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa laga qaaday xayiraaddii hubka ee saanreed kadib markii golaha ammaanka uu yeeshay kulan uu kulafa gurayo arrinta xayiraadda hubka ee saanreed dalka tan iyo 1992-kii, iyadoo kulankaasi baaq loogu jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya in hubkaasi ay ka ilaaliso gacanta kooxaha ka soo horjeedo ee argagixisada ah.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya awood uu buuxda u leedahay in ay ilaaliso hubka gacanteeda ku jira, si aysan u galin gacanta kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com