Raaligelin iyo Wargelin: Agaasimaha Shabakada Kismaayo24.com Abdiweli Garyare Oo Wargelin Cusub Kuu Haya.

0

Abdiweli-GaryareShakabada Warbaahinta Kismaayo24.com oo sanadihii ay hawada ku jirtay ay ku xirnaayeen Soomaali badan ayaa waxaa baryihii danbe la soo gudboonaaday cilad dhinaca booqashada akhristayaasheeda oo aad usoo batay, taasi oo xilliya qaar ku keeni jirtay inay shabakada hawada ka baxdo.

Agaasimaha Kismaayo24.con Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu sheegay inay gebi ahaanba ka wareegeen serverkii hore islamarkaana ay sameeyeen server cusub kaasi oo xamili doona dhamaan booqashada akhristayaasha Kismaayo24.com tira kasta oo ay yihiin.

”  Waxaan maalmo aan ku jirnay sidii aan u xallin laheyd cilad dhinaca booqashada dadweynaha ku xiran shakaba, waxaase hadda ugu bishaareynayaa dhammaan dadka ku xiran kismaay24.com iyo kismaayo24.net inay labadana ka heli doonaan warbixinadii iyo wararkii ay inooga fadhiyeen maalinkasta in aan uga soo waaridno aduunka dacaladiisa”ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Abdiweli Garyare inay  xaliyeen dhibaatadii heysatay dadkii kasoo booqan jiray shabakada kismaayo24.com Mobile ka kuwaasi oo sheegay inay muddooyinkii danbe aysan marna usuurtagelin inay wararka uga akhristaan qaab mobile ahaan ah, laakiin hadda waxaa uu sheegay Abdiweli garyare inay ku akhrisan karaan mobile kooda meelksta oo ay joogaan.

” Haddii muddo yar aad la daalaa-dhaceysay cilad kaa heystay inaad kismaayo24.com ka akhrisato mobile kaaga waxaan hadda ku leeyahay kusoo dhawaw isbadelka cusub ee aan sameynay ayaa taasi kuu suurtagelinaya, waxaana rajeynayaa inay dadbadan oo shaqo iyo warbarasho ku mashquulsan inay mobile-kooda kala socon doonaan warbixinada aan usoo gudbino bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Abdiweli garyare Agaasimaha  shabakada Kismaayo24.com .

Sidoo kale isbadelkan cusub ayaa waxaa la socon doono warar iyo wareysiyo muuqaal ah oo shabakada idin kasoo gudbin doono dalka iyo dibadiisa, waxaana taasi ay qeyb ka noqon doontaa horumarka dhinaca isgaarsiinta ah ee lagu tilaabsaday sanadahan danbe.

Ugu danbeyntii Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu raaligelin buuxda uu ka siiiyey macaamiisha ku xiran shabakadan kismaayo24.com ciladaha ku yimid,isagoona ballan qaaday inay xooga saari doonaan ka hortaga hakad ku yimaada howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada kale ee caalamka ee ku xiran shabakadooda.

“Waxaan raaligelin u dirayaa cidkasta oo ka mid ah macaamiisheena kuwaasi oo baryihii danbe inoo soo dirayey emailo ay uga cabanayeen in aan xalino cilada mareegaha kismaayo24.com soo wajahay. Waxaana leenahay ciladaasi waa booqashadiina oo aad u badatay,balse waxaan hadda idin ballanqaadeynayaa inaysan ciladaasi inagu soo noqon mar danbe,haddii alle idmo”

Mareega Kismaayo24.com waxaa uu ka mid ah kuwa ugu afkadheer mareegayaasha Soomaalida meelkasta oo ay xarun ku leeyihiin, waxaana ka howlgala wariyayaal magac ku leh saaxafada warbaahinta Soomaalida.

HALKAN KA BOQO www.kismaayo24.net

Cali Dahir Ciid
Delft, Holland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com