Maxaa Kasoo Baxay Shirki Nairobi Uga Socday Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya Iyo Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

top newsNairobi (AGGM): Shirkani oo ay marti galisay dowlada dalka kenya isla markaana lagu casuumay saraakiilsha ciidama jubboyinka oo in muda ah uu qilaaf laxidhiidha dhanka maamul usameynta iyo isfahan waaba uu kadhax jiray

saraakiishii shirka kasoo qeyb gashay ee lagu casuumay waxaa kamid ahaa warfaa Sheekh aadan faroole. oo ah afhayeenka ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ee jubboyinka iyo gedo Cabaas Ibraahim Gurey. Madax Ciidamada Raas kanbooni Axmed Madoobe ahna gudoomiyaha maamulka kumeelgaarka ah ee Kismaanyo iyo gudoomiya kuxigeenkiisa Yaasiin nuur gaas yaasiin Raadeer.

Gabogabadi shirka waxaa laisku afgaray ilaa lix qodob waloow mid kamid ah laisku diiday oo aan lasaxiiixin waxaana Saxaafada lahadlay gabagaba shirka oo arintaas kawar bixiyay Col: Warfaa Sheekh Aadan afhayeenka ciidamada dowlada Federaalka soomaaliya ee jubbooyinka.

Waxaa uuna sheegay in la isku afgartay ilaa lix qodob.

1:in laxoreeyo jubbooyinka oo dhamaanba lagasaaro Al shabaab.

2:in laisku dhexdhafo dhamaanba Ciidamada Jubboyinka oo ay san noqon hal dhinac oo kaliya.

3:in ladhiso maamul loo dhan yahay oo dhamaanba ay kadhex muuqdaan dadka jubboyinka.

4:in la ogolaado in ay door muhiim ah kaqaadato maamul usameynta jubbooyinka dowlada Federaalka Soomaaliya.

5:in lahagaajiyo xiriirka ee dhanka siyaasada ah ee jubbooyinka.

6:Qodobka lixaad ee laisku diiday ee aan lasaxiixin ayaa ahaa in Ciidanka Raaskanbooni lagaliyo tababar kaa oo markii danbe laisku afgartay in uusan waqtigaan uusan suuragal ahayn sidaasi ayaa waxaa soo jeediyay saraakiisah dhanka Ceelwaaq.

Sikastaba ha ahaatee shirkani ayaa waxaa kadanbeeyay laqabto kadib markii ay soo baxday in dhawaantaan ay tageen magaalada Kismaanyo qaar kamid ah ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay dagmada ceelwaaq.

Ciidamadaan oo mudo gaaban kutagay gudohood kutagay kismaaanyo ayaa kanatagay Ceelwaaq dhulkaas oo qeybo badan oo kamid ah ay joogaan xarakada Al shabaab waxaa isla markii ay ciidamadau tageen Kismaanyo kahadlay xildhibaan xidig oo katirsan oo ah xildhibaan katirsan dowlada Soomaaliya asagoo sicad usheegay in ciidamda tagay kismaanyo ay yihiin Al shabaab.

Dhankale Col:Warfaa Sheekh aadan oo wax laga weydiiyay halka qilaafka caadamadaasi kudanbeeyay iyo Xildhibaanka kutilka kutilaamayAl shabaab ayaa sheegay in uusan hada jirin wax qilaaf ah oo ku’aadan Ciidamadaasi oo ay ahaayeen ciidamadii tagay Kismaanyo Ciidamada dowlada soomaaliaya oo loogu talagalay in ay amaanka wax kasugaan maadaama uu dhowr jeer dagaal kadhacay kismaanyo.

Warfaa ayaa kutilmaamay in Xildhibaanku ay arinta kahoostay oo uu gabi dhacay uuna u hadlay si uusan qof masuul ah u hadlo waayoo in Ciidamada dowlada kutilmaamo Al shabaab na ay tahay xadgudub uu dowlada kagalay xildhibaan xidig ayna tahay in ay dowladu laxisaabtanto waayoo ciidamo loogu talagalay in ay Al shabaab ladagaalamaan in lagu tilmaamo alshabaab waa arin foolxun ayuuriri Warfaa.

Dhankalena waxaa uu kusoo aadayaa ayadoo ay kajirto qilaaf iyo kala duwanansho dhinacyo badan leh oo ku’aadan dhanka maamul usameynta gobolada jubooyinka. Sikastaba ha ahaatee shirkani oo is afgarad kusoo dhamaaday ayaa laga wardhowrayaa sida uu umira dhalo oo ay udhaqan galaan qodobada lagu heshiiyay labada dhinac ee ay kenya martigalisay.

Ahmed Ibrahim Hashi
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com