Saraakiisha Booliiska Oo Sheegay In Ay Ka Warhayaan Weeraro Qaraxyo Ah Oo Ay Qorsheynayaan Al-Shabaab

0

Boolis1Muqdisho (AGGM) Saraakiisha ciidamada booliiska dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay ka war hayaan islamarkaana ka foogjigan yihiin qaraxyo iyo dilal ay qorsheynayaan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya Jen C/llaahi Xassan Bariise oo warbaahinta kula hadllayay ayaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka war helleen qaraxyo iyo waliba dilal ay damacsan yihiin in ay fuliyeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgal ciidamada nabad-galyada ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku soo qab qabteen tiro dad ah oo sida uu sheegay looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, kuwaasoo waqtigan baritaano lagu wado.

‘’Waxaan og-nahay falal amaan darro oo ay maleegayaan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab iyo qaraxyo ay damacsan yihiin in ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho,’’ ayuu yiri,’’ Gen C/llaahi Xassan Bariise.

Waxaa uu sheegay in ay soo soco doonaan howlgalada laga wado magaalada ilaa meesha laga saarayo sida uu hadalka u dhigay dadka wali xiriirka la leh ee  ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah caasimada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com