Sadax qof oo xalay Muqdisho lagu dilay.

0

A Somali journalist looks at the dead body of his colleague Abdisalan Sheikh Hasan in southern MogadishuMuqdisho (AGGM): Sadax qof ayaa lagu soo warramayaa in siyaabo kala duwan xalay loogu dilay xaafadaha Suuqa-xoolaha iyo Kaasa-balbalaare ee magaalada Muqdisho.

Laba qof dhallinyaro ah waxaa lagu dilay xaafadda Suuqa-xoolaha, halka qof kalena lagu dilay xaafadda Kaasa-balbalaare ee degmada Hodon.

Goob-joogeyaal ayaa Bar-kulan u sheegay in mid ka mid ah dhallinyarada ay ciidamada dowladda Soomaaliyaa ku toogteen Suuqa-xoolaha, kaddib markii bacmadow oo uu siday ay ka shakiyeen, isla markaana uu diiday inuu joogsado oo uu u hoggaansamo amar ay ciidamadu siiyeen.

Sidoo kale, maydka wiil dhallinyaro ah oo uu jirkiisa ka muuqday dhaawac rasaas ayaa saaka lagu arkay Godeey oo ka tirsan isla xaafadda Suuqa-xoolaha. Lama oga cidda ka dambaysa dilkiisa.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaafadda Kaasa-balbalaare ku toogtay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu bam ku tuuray ciidamada, xilli ay ay ku sugnaayeen isgoyska xaafadda.

Lama sheegin khasaaraha ciidamada ka soo gaaray weerarka bam-gacmeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com