Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Al Shabaab Laga Adkaaday.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Madaxweeyne Xasan Sheekh Maleeshiyada kooxda al-Shabaab waa laga guuleystay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidaas yiri.

“Ma sii wadi karto dagaalka. Waxay haatan isugu soo ururtay fulinta weerarro argagagaxiso ah iyo dilal qorshaysan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo la hadlayay qaar ka mid ah wariyeyaasha waddanka Uganda oo ku booqday xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in kooxdu aysan heli karin dhaqaalihii ay horey u heli jirtay taasoo ay ka dambeysay kaddib markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kala wareegeen al-Shabaab magaalooyinka waa-weyn iyo ilihii ka soo geli jiray dhaqaalaha.

Ciidanka ammaanka ayuu sheegay inay dadaal weyn ugu jiraan sidii loo afjari lahaa dilalka qorsheysan ee ay kooxdu geysato.

Wuxuu sheegay in kooxda al-Shabaab ay lacag baad ah ka qaadi jirtay dadka ku dhaqan magaalooyinka waa-weyn, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday inaanay jiri doonin baad dambe oo kooxda ay ka qaaddo dadka ku dhaqan degmooyinka iyo magaalooyinka dalka.

Xasan Sheekh wuxuu ammaan u jeediyay ciidanka Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaateen sidii loogu guuleysan lahaa soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed u jeediyay inaanay marnaba hilmaamin taageerada dowladda Uganda iyo shacabkeeda ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com