Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow Oo Sheegay Inuusan Ka Warqabin Shir Ka Dhacay Doolow *Dhageyso*.

0

Ugaas-Maxamed-Ugaas-XasanLuuq (AGGM): Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo ayaa sheegay inuusan ka warqabin Shir ka dhacay degmada Dolow, isla marahaan taasina ay isugu yimaadeen Hogaamiyayaasha dhaqanka Beelaha Soomaalida ee dega Gobolka Gedo, kaasi oo la sheegay in looga arinsanaayey howsha uu khilaafka ka taagan yahay ee Maamul u Sameynta Gobolada Jubbooyinka.

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo maanta shir jaraa’id ku qabtey degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamaamay in inta shir aan loo dhameyn lagu qabto degmada Doolow la’isku dayo in arrimo lagu kala aragti duwan yahay looga faa’ideyso qaab, ayada oo arrimaha noocaas oo kale ahna ay abuuri karaan ayuu yiri khilaaf hor leh oo dhex mara odotaasha dhaqanka Gobolka Gedo iyo Siyaasiyiinta, maadama arinka laga hadley horey go’aan looga gaarey Garbahaarey.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/wareysi_ugaas_maxamed_Xasan_Yarow.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com