Shirki Ay Lahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha Jaamacada Carabta Oo Ku Soo Gabagaboobay Magaalada Riyadh.

0

shirka-wasiirada-carabtaRiyadh (AGGM): Waxaa magaalada Rayidh ee dalka Sacuudi Arabia ku soo gabagaboobay shirkii ay halka ku lahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha Jaamacada Carabta, iyadoo shirkaa dhinaca Soomaaliya uu uga qeyb-galay wasiirrka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirrka ayaa sheegay in kulankaa looga wada hadllayay  amaanka, wadamada Jaamacada carabta,  iyadoo Soomaaliyana ay ka mid tahay wadamada baahida weyn u qaba in laga taageero dhinaca amaanka,  wuxuuna hoosta ka xariiqay in mudadii uu socday shirkaasi ay xiriiro iyo kulamo gooni gooni ahba la yeesheen qaar ka mid ah madaxda wadamada ka qeybgalayay Shirkaasi.

‘’Shirkaasi waxaa uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, iyadoo dhamaan wasiirradii arrimaha gudaha shirka ka qeyb-galay u riyaaqeen hormarka balaaran oo ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca nabad-galyada gudaha,’’ ayuu yiri wasiirrka.

Wasiirrka ayaa mudadii uu kulanka socday u jeediyay xubnihii ka qeyb-galay kulanka qudbad balaaran oo la xiriirtay arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in wax badan laga qabtay amniga gudaha, walina lagu howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad-galyada.

‘’Kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah ayaa yeelanay mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeyb-gashay, runtiina waxaa ay inoo muujiyeen sida ay ugu heelan yihiin in ay wax badan nala qabteen,’’ ayuu yiri wasiirrka.

Shirka oo ah mid labdii sano mar la qabto waxaa sanadkan siweyn diirrada loogu saaray arrimaha nabad-galyada gudaha wadamada ku jira Jaamacada carabta, gaar ahaan falalka argagixisada ee wadamada qaarkooda ka jira sida Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com