R/wasaare Saacid Oo Dhawaan Booqanaya Gobolka Gedo.

0

IMG_3102 (2)Garbahaareey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Garbahaaray  ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in haatan halkaasi ay ka socdaan  qaban qaabada lagu soo dhawayno Rayasal wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sida la sheegay gaari doonaa degmada .

Degmada Garbahaaray ayaa maanta gudaheeda waxa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo iyo is diyaari iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidanka maamulka degmadaasi iyo sidoo kale caruur iyo haween ku labisan  calanka soomaaliya wata boorar ku masawiran yahay raysal wasaaraha xukuudda Saacid.

Dhinaca kale maamulka degmadaasi ee Dowladda federaalka soomaaliya ayaa sidoo kale iyaguna dhankooda ka wadaan qaban qaabada lagu soo dhawaynayo  raysal wasaaraha xukuudda federaalkas soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa dhawaanahaan safaro ku marayay gobolada dhexe ee dalka sida maamulada  Xibin iyo Xeeb,Puntland ,Galmudug,waxaana sida uu soo sheegay raysal wasaaruhu markii uu soo laabtay ku sheegay safaradiisa ku sheegay inay ku soo dhamaadeen Guul.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com