Ganacsade Caan Ahaa Oo Saakay Lagu Dilay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

0

bastooladMuqdisho(AGGM): Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Saakay aroortii waxaa Nin ganacsada ah ayku dileen Xaafadda Nasteex degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ,waxaana ninkan la dilay la sheegay in uu ku sii jeeday masjid ku yaala xaafadiisa.

Kooxahan ayaa markii ay Ninkaas ay dileen si nabad galya ah ugu baxsaday goobtii ay Ninkaas ku dileen ,hasayeeshee waxaa Saakay goobtaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwo dowladda oo howl gal ka fuliyay goobta uu dilka ka dhacay.

Ilaa iyo iminka Saraakiisha dowladda ma sheegin cidda ay ku  soo qab-qabteen howlgalkaas mana jirto cid loo qabtay dilka Ninkan ganacsada ah oo saakay lagu dilay Xaafadda Nasteex ee degmada Wada jir ee Gobalka Banaadir.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa Muqdisho ku soo badanayay dilalka qorsheysan ku waasoo loogeysanayo dad ka tirsan dowladda iyo dad  shacab ah ,mana jirto ilaa iyo iminka war arintaas ku saabsan oo ka soo baxaya dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com