War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Gaadiidki Dagaalka Ka Dhigeen Ciidamada AMISOM.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ciidama Amisom ka dhigeen gadiidka dagaalka ee ay wateen.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa dhamaan gaadiidki dagaalka ee ay wateen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni hadda lagu xareeyay jaamacada magaalada Kismaayo.

Ilo wareed xog ogaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo nagula soo xiriiray qadka telefoonka ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaan gaadiidki dagaal ee ay wateen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay la wareegeen ciidamada AMISOm ee ku sugan magaalada Kismaayo leeyskugana geeyay xarunta jaamacada magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo waxaa ilaa hadda arrinta kasoo korodhay magaalada Kismaayo wax warmutiyeed ah kasoo saarin horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, xiriir aanu la sameeynayna waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan amaba ka warbixiyaan dhacdadan.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com