Taliyihi Ciidamada Badda Ee Gobollka Banaadir Oo Xalay Lagu Dillay Magaalada Muqdisho.*Dhagayso*

0

CIDDDANKA BADDA SOMAALIYA KNN 22Muqdisho (AGGM): Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay egmada Dharkeenley Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guud ee ciidamada badda dowladda Soomaaliya.

Admiral Faarax Qarre taliyaha ciidamada badda Soomaaliyeed  ayaa sheegay in Taliyaha ay dileen kooxo hubeysan, isagoo tilmaamay inuu ahaa Taliyihii Gobolka Banaadir ee Saldhiga Hobyo ilaa Baraawe.

“Kooxo habaar qabayaal ayaa dilay marxuumka isagoo gurigiisa ku weysa qaadanayay, waana laga daba tagi doonaan maalin aan dheereyn”ayuu yiri Admiral Faarax Qarre.

Mar uu ka hadllayay Faarax Qarre in uu taliyuhu lahaa wax ilaalo ah iyo in kale, ayuu sheegay in uu heystay ciidamo ilaalo ah, laakiin waxaa uu sheegay in waqtigiisii dhamaaday.

“Kooxo danbiilayaal ah ayaa dilay marxuumka isagoo gurigiisa ku weysa qaadanayay, waana laga daba tagi doonaan maalin aan dheereyn”ayuu yiri Admiral Faarax Qarre.

Ma jiro wax war ah oo arinta ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka degmada Dherkeenle ee gobollka Banaadir oo ah halka lagu dillay taliyaha, hasse ahatee Admiral Faarax Qarre waxaa uu sheegay in uu socdo baaritaan arintan la xiriira.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagula kaco sarkaal ka tirsan ciidamada badda dowladda dowladda Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Admiral-Faarax-Qare-oo-ka-hadlaya-sarkaal-la-dilay.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com