Mid Kamid Ah Ragga Lagu Tuhunsan Yahay Inuu Ku Lug Lahaa Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Oo Lagu Wareejiyay Maamulka Faroole.

0

shabaab1123Garoowe (AGGM): Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiisha maamul  Soomaaliland u gacan galiyeen maamul gobolleedka Puntland nin dhalinyarro ah oo la tuhusan yahay in uu kaalin ku lahaa dilkii magaalada Garoowe loogu geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Gacamey.

Saraakiisha labada dhinac ayaa la sheegayaa in ay ku kulmeen deegaannka lagu magacaabo Takaraq, halkaasoo ay kula wareegeen maamul gobol gobolleedka Putland C/llaahi Cismaan Axmed ‘’Ceynte’’ oo ah nin dhalinyarro ah oo la sheegay in uu Garoowe ka soo cararay markii uu dhacay dilka Sheekha.

Wasiirrka wasaarrada amniga maamul gobolleedka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa warbaahinta u sheegay in mudo ah in Puntland ay ku raad joogtay shaqsiga lagu soo wareejiyay, islamarkaana ay ka dalbadeen Soomaaliland in loo soo gacan galiyo.

‘’Waxaa uu ku jira hadda gacanta laamaha amniga Punltand, su’aalo ayaa la weydiisanayan ku saabsan wixii uu ka ogaa dilka Sheekh iyo in uu ka tirsan yahay Al-shabaab,’’ ayuu yiri wasiirrka amniga Puntland.

Horay ayeey ciidaamda maamul gobolleedka Puntland waxaa ay gacanta ugu dhigeen shaqsigii la sheegay in uu ka danbeeyay dilka Sheekh kadib markii ay arintaa fududeeyeen dadka magaalada Garoowe oo ku soo baxay dilka Sheekh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com