Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha Soomaaliya Ayaa Ka Qeyb Galay Maanta Munaasabad Lagu Dhaarinayay Taliyayaasha Cusub Ee Ciidanka Xoogga Dalka.*Daawo Sawirada*

0

xoga3Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dharinayay Taliyayaasha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Iyada oo maalmihii u danbeeyey la hadal hayey isbedelka cusub ee lagu sameeyey Taliyaasha sare ee xoogga dalka Soomaaliya, ayaa markii u horeysey Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu dadka ka codsadey in uu baro taliyaasha cusub ee ciidanka qalabka sida.

“…Waxaa sharaf ii ah maanta in aan idin baro oo aan idinku soo dhaweeyo Taliyayaasha cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdirisaaq Khaliif Cilmi…” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh.

Madaxweynaha ayaa khudbad kooban oo uu xafladdii dhaarta ka jeediyey u mahad celiyey Taliyaashii hore kuwaas oo lagu tilmaamey in ay qabteen shaqo muhim ah.

“…Ugu horeyn waxaan rabaa in aan u mahadcelino aniga iyo shacabka Soomaaliyeed General Cabdiqaadir Cali Diini iyo General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan, oo Ciidanka Xoogga Dalka si sharaf iyo geesinimo leh u soo hogaamiyay sanadihii lasoo dhaafay….”

Madaxweynaha oo sharaxaad ka bixinaya guulihii ciidanka xoogga dalku soo hoyeen ayaa yiri:

“Guulo aad u waaweyn ayey gaarsiiyeen Taliyaashii Ciidamada Xooga Dalka. Guulahaas oo ka dhacay goboladda dalka ayagoo kaashanaya Ciidanka AMISOM. Sidoo kale waxey aasaas u sameeyeen ciidan qaran, tababar fiican leh, akhlaaq ka siman, oo ka kala yimid Goboladda dalka.” Shaqadooda badan iyo go’aankooda adag ayaa keentay horumarka ciidamadeena. Taasna umadda Soomaaliyeed wey uga mahad celineysaa, taarikhduna baal dahab ah ayey ku qoreysaa ayuu yiri Madaxweyne Xassan Shiikh.

Mustaqbalka Xooga Dalka waa guul.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ee gacanta ka siiyey dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, tababarada, sidoo kale waxa uu ka hadley qaadida xanibaadda hubka ee Soomaaliya waxaana uu yiri mar uu ka hadlaayey arrintaas “…Waxaana u mahad celinayaa saaxiibadeen Beesha Caalamka. Sidoo kale cunaqabateyntii hubka waa laga qaaday Soomaaliya. Waxaa loo baahanyahay masuuliyad. Waana waajib Qaran oo idin saaran. Waxaa mudan in la xuso in cuna qabateynta dib loo soo celin karo.” Sidaas darteed waa in aad waajibkiina gudataan oo masulliyad iska saartaan…..”

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey saraakiisha cidanka shaqooyinkii adkaa ee ay soo guteen isla markaana laga doonaayo in ay weli u soojeedaan dalka iyo dadkaba. “Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa sida geesinimada ay ku dheehnayd ee aad cadowga isaga muquuniseen sanadihii ina soo dhaafay, Waxaan kaloo idiinkaga Mahadcelinayaa guulaha aad ka gaarteen weeraradii aad qaadeen iyo sida ay idiinkaga go’nayd inaad mustaqbal fiican gaarsiisaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

xoga3

xoga2

xoga

xoga4

xoga1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com