Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Ciidamada Kenya Oo Xiray Wadada Tagta Xarunta Jaamacada Kismaayo.

0

kenyan troopsKismaayo (AGGM): Magaalad Kismayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan in xalay laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada rasaas culus oo ay is weydaarsaneyeen ciidamada maamulka iyo kooxo hubeysan o weerark ku soo qaaday.

Inta la og-yahay mid ka mid ah ciidamada maamulka magaalada Kismaayo ayaa ku dhaawacmay weerarka, oo ay saraakiisha maamulka Kismaayo ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Kenya ee  ku sugan magalada Kismayo ayaa lagu waramayaa in ay saakay jareen oo ay go’yeen isku socodka wadada xiriirisa xarunta Jaamacada Kismaayo iyo qeybaha kale ee magaalada.

Xarunta Jaamacada Kismaayo ayaa ah halka ay ku shirsan yihiin ergooyinka la doonayo in ay dhisaan maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Jubbooyinka iyo Gado.

Sidoo kale wararka waxaa ay intaa ku darrayaan in uu jiro baaritaan xoogan oo ay ciidamada ka wadaan qeybo  ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, laakiin lama sheegin ilaa iyo hadda cid lagu qabtay baaritaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com